

Tuulada Sinyare agteeda waxaa ku noolaa mas wayn oo la oran jiray Lego.
Apiyo, Ajoh iyo Atieno xaabo ayay raadsadeen. "Iska ilaaliya Lego" ayeyo ayaa tiri.
Gabdhihii waxay diyariyeen cunto. Maalin dheer ayay noqonaysaa.
Apiyo ayaa tiri, "Aan aamusno. Lego meelahan ayuu ku noolyahay"
Ajoh waxay rabtay ilkaha Lego. Apiyo waxay tiri, "Xasuusnow waanada ayeeyo."
Ajoh ma aysan danayn. "Aniga waxaan rabaa ilka dahabka ah ee Lego," ayay tiri.
Lego ma helin ilkihisii dahabka ahaa.
Wuu is qariyey, wuuna sugay.
Gabdhaha waxay maqlayn "Hssssss!" Lego waxuu diyaar u ahaa in uu tuugga qaniino.
Lego wuxuu yiri, "Tuuggu imtixaankayga kama gudbi doono."
Apiyo iyo Atieno si wanaagsan bay u heeseen. Waa na gudbeen imtixaanka.
Ajoh si wanaagsan uma heesin. Lego wuu ogaa cidda tuugga ahayd.
Lego wuxuu liqay Ajoh!
Ayeeyo waxay tiri, "Haddii ay i dhagaysan lahayd."

