Akai way faraxsan tahay
Ursula Nafula
Rob Owen

Akai kabo ma lahayn.

Carruurta kale ee da'deeda ah way lahaayeen kabo.

1

"Way adag tahay in la ciyaaro adigoon kabo haysan," ayay Akai u sheegtay hooyadeed.

2

"Akai, waxaan u malaynayaa in la joogo waqtigii aad kabo heli lahayd," ayay tiri hooyadeed.

3

Hooyadu waxay toosisay Akai aroortii hore subaxdii xigtay.

4

Akai iyo hooyadeed waxay tageen suuqa.

5

Waxay galeen dukaan kabo. Hooyadeedna waxay u gaday Akai kabo.

6

Habeenkii, Akai waxay ka fikiraysay kabahaheeda cusub.

7

Akai waxay xiratay kabahaheeda cusub.

8

Akai waxay ka fikiraysay sida ay u tusi lahayd kabahaheeda.

9

Akai waxay xiratay kabahaheeda cusub mar labaad, iyadoo qoob ka ciyaaraysa qolkeeda.

10

"Akai, sariirta laguma xirto kabo," ayay tiri hooyadeed.

11

Akai aad ayay ugu faraxday inay kabo hesho markii ugu horreysay.

12
You are free to download, copy, translate or adapt this story and use the illustrations as long as you attribute in the following way:
Akai way faraxsan tahay
Author - Ursula Nafula
Translation - Fosiyo Mohamud
Illustration - Rob Owen
Language - Somali
Level - First sentences