Naafanimadu maaha karti la'aan
Agnes Mabururu
Wiehan de Jager

Kani waa Agnes.

Waa macallimadayda.

1

Agnes waxay isticmaashaa ulaha lagu socdo si ay u socoto.

2

Kani waa Metobo.

Waa DJ-ga raadiyaha ee aan ugu jecelahay.

3

Metobo wuxuu qabaa dhibaato indhaha ah.

4

Kani waa Moraa, deriskayga.

Moraa waa beeraley.

5

Moraa ma maqli karto.

Waxay ku hadashaa luqadda calaamadaha.

6

Kani waa Osero.

Waa ciyaaryahanka kubadda cagta ee ugu fiican dugsigayga.

7

Osero ma laha gacmo.

Laakiin goolal badan ayuu u dhaliyay kooxdeena.

8
You are free to download, copy, translate or adapt this story and use the illustrations as long as you attribute in the following way:
Naafanimadu maaha karti la'aan
Author - Agnes Mabururu
Translation - Fosiyo Mohamud
Illustration - Wiehan de Jager
Language - Somali
Level - First sentences