Waan Jeclahay
Patience M
Patience M

Waxaan jeclahay inaan ciyaaro kubadda cagta.

Waxaan jeclahay inaan kubadda cagta la ciyaaro Thando, Nhlanhla iyo Ben.

1

Tani waa hooyaday.

Waxaan jeclahay hooyadey.

Wey iga qoslisaa.

2

Waxaan jeclahay Ilaahay, maxaa yeelay Ilaahay baa i abuuray.

3

Waxaan jeclahay dugsiga, maxaa yeelay macallimiintu waxay i baraan waxa aan u baahanahay inaan ogaado.

4

Waxaan jeclahay inaan eeyaha la ciyaaro, maxaa yeelay waa madadaalo.

5

Waxaan jeclahay maalmaha dhalashada, maxaa yeelay waxaan jeclahay inaan dabaaldego.

6

Anigana waan jeclahay naftayda maxaa yeelay…

7

… maxaa yeelay … waan sameeyaa!

8
You are free to download, copy, translate or adapt this story and use the illustrations as long as you attribute in the following way:
Waan Jeclahay
Author - Patience M
Translation - Fosiyo Mohamud
Illustration - Patience M
Language - Somali
Level - First sentences