Fana iyo qoyskeedu waxay ku nool yihiin magaalo mashquul badan.
Fana waxay leedahay bisad, laba digaag, ari, iyo qoolley.
Maalin maalmaha ka mid ah, Fana waxay aragtay carruur dhagxaan ku tuuraya qoolleyda.
Fana waxay ku orodday caruurtii. Weyna ku qaylisay, "Joojiya dhagxeynta."
Fana waxay gurigeeda geysay labadi qooley si ay u daryeesho.
Waxey siisay cunto waxeyna qoyskeeda u sheegtay sida ay u badbaadisay.
Fana iyo waalidiinteed waxay qooleyda ay geeyeen xarunta dhaqtarka xoolaha
Fana waxay saaxiibadeed u sheegtay, "Xayawaanku waa saaxiibadeenna. Waa inaan ilaalinaa."