Waxaan lugahayga u adeegsadaa inaan ku ordo, ku boodo, kuna laado.
Waxaan indhahayga u adeegsadaa inaan wax ku arko, ku akhriyo, kuna barto.
Waxaan isticmaalaa gacmahayga si aan qoyskayga u caawiyo.
Waxaan isticmaalaa gacmahayga si aan wax ugu cuno oo ugu shaqeeyo. Laakiin madaxa ayaa ka muhiimsan lugaha iyo gacmaha.
Madaxu wuxuu leeyahay indho. Indhaha wax baan ku arkaa.
Madaxa waxa ku yaal sanka. Sankaygaan waxbaan ku uriyaa.
Madaxa waxa kuyal dhagaha. Dhegaha waxbaan ku maqlaa.
Madaxa waxa ku yaal carrabka. Carrabka ayaan ku dhadhamiyaa cusbada iyo macaanka.
Madaxa afka ayuu leeyahay. Afkayga ayaan ku hadlaa.
Madaxa ayaa maamula jirka oo dhan.