Ku istaag oo dhaq
Jean de Dieu Bavugempore
Rob Owen

Hooyo, Aabe, iyo Lina waxay ka hadlayaan sida caafimaadka loo ilaashado.

1

Lina waxay dugsiga waydiisay, "Maxaa qasab ka dhigaya in gacmaha la dhaqo?"

2

Macallimadu waxay tiri, "Gacmaheenna jeermis bay leeyihiin, balse jeermiska indhaha laguma arki karo."

3

"Jeermisku aad buu u yar yahay. Waxaan u baahanahay mikroskoob si aan u aragno."

4

Lina waxay fiirisay mikroskoobka dhexdiisa.

Waxayna ku aragtay jeermisyada ku yaalla gacanteeda.

5

"Fayrasyada iyo bakteeriyadu waa noocyo ka mid ah jeermisyada.

Jeermisyadu waxay nagu keeni karaan cudurro."

6

"Gacmo dhaqashadu waxay joojisaa fayrasyada iyo jeermiska inay fidaan," ayay tiri macallimaddu.

7

Aabuhu wuxuu samaynayaa weel lagu dhaqo gacmaha.

8

Lina waxay waydiisay, "Qalabkan sidee buu u shaqeeyaa?"

9

"Qaybta alwaaxda ahi waxay weelka ku ridaysaa biyaha ka soo qulqulaya."

10

"Ku dhaq saabuun iyo biyo, si tartiib ah u tiri ilaa 20 inta aad gacmahaaga dhaqayso."

11

"Aabe caqli badan! Haddaba ma kugu salaami karaa suxulka."

12
You are free to download, copy, translate or adapt this story and use the illustrations as long as you attribute in the following way:
Ku istaag oo dhaq
Author - Jean de Dieu Bavugempore
Translation - Zahra Nooh
Illustration - Rob Owen
Language - Somali
Level - Longer paragraphs