Wakhti
Mimi Werna
Joe Werna

Whakhtigu waa xirmo.

1

Whakhtigan xaadirka ah, waxaad ka helaysaa baakado badan.

2

Xirmo waa maalin.

Maalintii waa 86,400 ilbiriqsi.

3

Waa inaad Wakhtiga furtaa oo si fiican u isticmaashaa.

Baro wax yaalo cusub.

4

Cun.
Ciyaar.
Naso.
Riyo.
Fakar

5

Abuur geed, kayn baa soo baxaysa.

Xalli dhib.

6

Marka lacagtaadu korodho,
qaar kaydso,
qaar kharash bixi,
qaarna la wadaag.

7

Haddii aad fashilanto, mar kale dib u bilow.

Wakhtigu maalmaha buu hadiyad ka dhiga.

8

Isniin iyo Talaado.
Arbaco iyo Khamiis.
Jimco iyo Sabti, xitaa Axad.

9

Kuwani waa saaxiibo gaar ah.

Ku raaxayso saaxiibtinimadooda.

10

Marka ay saacaddu tiraahdo tick tock xasuuso erayadayda.

11

Wakhtigu waa xirmo yaab leh, hadiyad gaar ah.

Si fiican u isticmaal.

12
You are free to download, copy, translate or adapt this story and use the illustrations as long as you attribute in the following way:
Wakhti
Author - Mimi Werna
Translation - Zahra Nooh
Illustration - Joe Werna
Language - Somali
Level - First sentences