

Tuulo gudaheeda waxaa ka jiray khilaaf u dhexeeya dadka xirfadaha kala duwan leh.
Qof walba wuxuu u maleeyay in shaqadiisu tahay tan ugu muhiimsan!
Macallinku wuxuu yiri inuu leeyahay xirfadda ugu muhiimsan.
"Haddii macallimiin la waayo ma tegi kartaan dugsi oo ma baran kartaan."
Dhismeeyuhu wuxuu yiri inuu leeyahay xirfadda ugu muhiimsan.
"Haddii dhismeeyayaal la waayo, ma heli lahaydeen dugsiyo aad ku barato ama guryo aad ku seexato."
Albaab-sameeyuhu wuxuu yiri inuu leeyahay xirfadda ugu muhiimsan.
"Haddii albaab-sameeyayaal la waayo, guryihiina iyo dugsiyadiina ma lahaan lahaayeen alaab."
Dhakhtarku wuxuu sheegay inuu leeyahay xirfadda ugu muhiimsan.
"Haddii dhakhaatiir iyo kalkaaliyeyaal la waayo, waad xanuunsan lahaydeen oo waad dhiman lahaydeen."
Beeraleydu waxay sheegtay inay leedahay xirfadda ugu muhiimsan.
"Haddii beeraley la waayo, cuntada aad cuni lahaydeen ma jirto."
Ardaygu wuxuu ku dooday in ardaydu leeyihiin shaqada ugu muhiimsan.
"Haddii arday la waayo, ma jiri lahaayeen macallimiin, dhismeeyayaal, dhakhaatiir, beeraley, ama albaab-sameeyayaal."
Ugu dambeyntii, qof walba wuxuu ku heshiiyay in dhammaan xirfadaha ay muhiim yihiin.
Waxaan u baahanahay macallimiin, dhismeeyayaal, dhakhaatiir, beeraley, iyo albaab-sameeyayaal. Laakiin qof walba waa inuu marka hore noqdaa arday!

