

Selemeng waxay jeceshahay bisadaha.
Gurigeeda waxaa Jooga bisado badan.
Selemeng waxay leedahay hal bisad madow.
Bisaddan waxay cunaysaa hilib badan.
Selemeng waxay leedahay hal bisad buuran.
Bisaddan waxay cunaysaa wax kasta.
Bisadda saddexaad ayaa geed fuusha.
Bisaddan waxay ku dhegtaa geedka.
Selemeng waxay fuushaa geedka. Waxay ku dhegtaa bisadda saddexaad.
Hooyada Selemeng waa inay ka caawisaa inay hoos u soo degaan.
Selemeng waxay leedahay laba bisad oo caajis ah.
Waxay bannaanka ku jiifsadaan qorraxda maalintii oo dhan.
Selemeng waxay leedahay saddex bisad oo mashquul ah.
Waxay jiiraan jiirarka jikada habeenkii.
Selemeng waxay leedahay eey hal ah. Magaciisu waa Lirafi.
Lirafi saaxiibo ma laha. Wuu murugaysan yahay.
Bisadaha Selemeng ma jecla Lirafi.
Waxay ka eryaan guriga. Lirafi wuu cararaa.
Selemeng waxay soo heshay Lirafi waxayna kusoo celisay guriga.
Bisaduhuna ma faraxsana. Mar kale ma doonayaan inay arkaan Lirafi.
Immisa bisado ayaa Selemeng leedahay?
Waxay leedahay siddeed bisadood.
Immisa eey ayaa Selemeng leedahay?
Waxay leedahay eey hal ah. Lirafi hadda mee?
Immisa bisadood ayaad guriga ku haysataa?
Immisa eey ayaad guriga ku haysataa?

