Dharkeyga Iskuulka
African Storybook

Walaashay Dharkeedu/ Canbuurkeedu aad buu iiga weyn yahay.

1

Walaalkey Funaanadiisu sidoo kale aad bay iiga weyn tahay.

2

Boorsadeydu waa weyn tahay.

Laakiin aad uma weyna!

3

Suunkaan gaboobay aad buu aniga iigu yar yahay.

4

Tani waa Boombiladeyda/ Caruusadayda Koofiyaddeedii.

5

Sharabaadadaydu waa Cabir sax ah.

Laakiin waa Midab khalad ah.

6

Kuwaani waa Kabahayga cusub.

7

Sifiican bay ii le'eg yihiin.

8
You are free to download, copy, translate or adapt this story and use the illustrations as long as you attribute in the following way:
Dharkeyga Iskuulka
Author - African Storybook, Clare Verbeek, Limbali Muyendekwa, Maureen Musale, Thembani Dladla, Zanele Buthelezi
Translation - Ubah Ali
Illustration - , Mlungisi Dlamini
Language - Somali
Level - First words