Yaase noqon doona hogaamiyaha xiga?
Athieno Gertrude

Boqor Shabeel ayaa ahaa mid duqoobay.

Sidee buu u dooran doonaa boqorka xiga?

1

Boqor Shabeel wuxuu xaflad uguwacay xayawaanadii.

Wuxuu ku dhawaaqi lahaa qorshihiisa.

2

Xaflada kadib, Boqor Shabeel wuu hadlay.

Xayawaanadiina weey dhageysteen.

3

Wuxuu yiri, "Tartanku wuxuu go'aamin doonaa boqorka xiga."

4

Qofkii tiriya ilaa toban ka hor inta aanin la tuurin seefta, wuxuu noqon doonaa boqor.

5

Maroodigu wuxuu dhinac iskaga riixay dhamaantood.

"Anigu waxaan ahay kan ugu weyn. Waa inaan noqdaa boqor."

6

Maroodigu wuxuu kaliya tiriyey ilaa afar.

Seeftii ayaa dhacday.

7

Doofaar Jilibeeygii wuxuu dhinac iskaga riixay dhamaantood, "Anigu waxaan ahay kan ugu xoog badan. Waa inaan noqdaa boqor."

8

Doofaar Jilibeeygii wuxuu tiriyey ilaa lix, kadibna seeftiiayaa dhacday.

Wuu iskatagay.

9

Dhammaan waxay yiraahdeen, "Maroodigii weynaa iyo doofaar Jilibeeygii ayaa ku fashilmay. Yaa ku guuleysan kara?"

10

Gorillihii wuu tiriyey, "Hal! Laba! Saddex! Afar! Shan! Lix! Todoba!"

Wuu ooyay.

11

Boqor Shabeel wuxuu yiri, "Gorilloow, waxaad haysataa hal fursad oo kaliya."

Gorillihii wuu tagay.

12

Xayawaanadii qaarkood ayaa bilaabay inay baxaan.

Markaas, Dibis yar ayaa tiri, "Aan isku dayo."

13

Boqor Shabeel baa wuxuu ku qayliyey, "Siiya Dibista fursad. Ha isku daydo."

14

Dibistii waxay tiri, "Shan iyo shan waa toban."

Seeftii ayaa dhacday.

15

Tartanku wuxuu muujiyey xayawaanka ugu caqliga badan.

Dibistii waxay noqotay boqorad kadib shabeelka.

16
You are free to download, copy, translate or adapt this story and use the illustrations as long as you attribute in the following way:
Yaase noqon doona hogaamiyaha xiga?
Author - Athieno Gertrude, Owino Ogot
Translation - Mohamuud Mohamuud
Illustration - , Salim Kasamba
Language - Somali
Level - First sentences