Maalin nasiib darra ah!
Richard Khadambi

Saaxiibkey Kiki iyo anigu waxaan ka lugeeynaa iskuulka gurigana kutagnaa.

1

Maalin maalmaha ka mid ah, nin ayaa nadabagalay.

Ilkihiisu waxay ahaayeen bun.

2

Wuxuu kulahaa finan wajiga.

3

Markii aan eegnay, wuu naguqeeyliyay si xanaaq leh.

4

Waxay igu tuureen gaadhi.

5

Kiki ayaa awood u yeelatay inay kacararto.

6

Waxay igu riddeen qol madow.

Gacmahaygu waa la xidhay.

7

Nin ayaa yiri, "Cun cuntadan. Safarku waa dheer yahay."

8

Inta aan cunayay, ninku wuxuu cabayay sigaarka.

9

Si lama filaan ah, ragii kale ayaa soo galeen iyagoo jiidaya saaxiibteey Kiki.

10

Waxaan maqalnay ragii oo isla murmaya iyo iyagoo qaylinaya qolkkale.

11

Kiki ayaa tiri, "Waa inaan ka baxsano. Waalidiinteen ma bixin karaan lmadaxfurashadooda."

12

Waxaan soojiidnay alwaax xaga daaqadda ilaa aan iftiin kaargno.

13

Kiki ayaa ka kortay oo orod ku tagay si ay caawimaad uhesho.

14

Raga ayaa si degdeg ah qolkii soogaleeyn.

Hogaamiyihii wuu xanaaqay.

15

Waxay ku noqdeen qolkii kale oo siiwateen murankoodii.

16

Waxaan maqlay cod sheegaya, "Ha cabsan. Boolisku waakan."

17

Weey qaylinayeen oo dhawaaq samaynayeen.

Waxaan maqlay rasaas.

18

Haweeney boolis ah ayaa tiri, "Wax walba waa dhamaadeen. Hadda ammaan ayaadtahay."

19

Maalintaas kadib, Kiki iyo anigu waxaan noqonnay kuwo ka taxaddar badan.

20
You are free to download, copy, translate or adapt this story and use the illustrations as long as you attribute in the following way:
Maalin nasiib darra ah!
Author - Richard Khadambi, Collins Kipkirui
Translation - Mohamuud Mohamuud
Illustration - , Abraham Muzee
Language - Somali
Level - First sentences