Dhuumaalaysi
Mary Z

"Kaalay aan ciyaaro dhuumaalaysi," ayuu walaalkay igu yidhi.

1

1, 2, 3, 4, 5, 6, 7, 8, 9, 10, 11, 12…

…92, 93, 94, 95, 96, 100!

2

Walaalkay ayaa imanayay.

Waxaan ku dhuumanayay daaha kadaashiisa.

3

Waxuu iga raadiyay guriga oo dhan.

4

Wuxuu yimid qolkii aan ku dhuumanaayay.

5

Waanan nuuxnuusanayn.

Waxaan u maleeyay, "In uu I heli doono."

6

Kadib, wuxuu aaday banaanka!

7

Waan daalay.

Waxaan ku qayliyay, "Ma I helaysid!"

8
You are free to download, copy, translate or adapt this story and use the illustrations as long as you attribute in the following way:
Dhuumaalaysi
Author - Mary Z
Translation - Abdikadir Ibrahim
Illustration - , Mary Z
Language - Somali
Level - First words