Gabadhaydii aan jeclaa
Ritah Katetemera

Tani waa Natabo, waxaa la dhashay lix wiil.

1

Waalidkeed ayaa siiyay dhari yar.

Way jeceshahay.

2

Maalin ayay walaaladeed ka jabiyeen dharigeedii.

3

Natabo way wayday dharigeedii.

Way ooyday oo ooyday.

4

Natabo way carartay.

Waxay kortay geed dheer.

5

Waalidkeed ayaa helay.

Waxay ku dheheen, "Fadlan soo deg."

6

Walaaladeed ayaa ku heesay, "Fadlan soo deg."

7

Natabo way ku maadsatahy heestii walaaladeed.

8

Kadib waxaa imaatay Natabo saaxiibadeed.

"Fadlan soo deg," ayay ku heestay.

9

Natabo saaxiibadeed heestii bay wadeen ilaa ay ka soo degtay geedkii.

10

Asxaabtii guriga ayay u lugeeyeen.

11

Qofkasta wuxuu u dabaal degay in Natabo guriga timid.

Natabo waxaa la siiyay dhari cusub.

12
You are free to download, copy, translate or adapt this story and use the illustrations as long as you attribute in the following way:
Gabadhaydii aan jeclaa
Author - Ritah Katetemera
Translation - Abdikadir Ibrahim
Illustration - , Brian Wambi
Language - Somali
Level - First sentences