Talo qaldan.
Magabi Eynew Gessesse
Brian Wambi

Kombe iyo Juma waxay ahaayeen daris sabool ah.

Wax kasta ayaga ayaa qabsan jiray.

1

Waxay jeclaan lahaayeen in ay helaan dameer.

Wuxuu ayaga u qaadi lahaa alaabta.

2

Kumbe wuxuu yiri "aan wada gadano dameer."

Way farxeen.

3

Markii Kombe aabihii dhintay, Kombe wuxuu dhaxlay hanti badan.

Wuxuu ilaaway Juma.

4

Kombe wuxuu u rabay dameerka hilibkiisa si uu u siiyo eeyihiisa.

Juma wuxuu u baahnaa dameerka si uu ugu shaqeeyo.

5

Garsoorihii wuxuu yiri "Midkiin kasta wuxuu qaadan karaa nus dameerka."

6

Kombe wuxuu dilay dameerkii.

Juma wuxuu qaaday alaabtii kaligiis mar kale

7

Kombe wuxuu rabay inuu gubo muddulkiisa oo uu dhisto mid cusub.

8

Juma ayaa yiri, kaygana waan gubi doonaa sidoo kale.

Garsoorihii ayaa ku raacay Kombe.

9

Juma muddulkiisii waa gubtay.

Garsoorihii ayaa yiri, " kombe wuxu gubay mundulkiisii kaliya "

10

Juma ma uusan haysan dameer, mana haysto muddul. Wuxuuna seexday geed hoostiisa.

11

Juma si adag buu u shaqeeyay. Wuxuuna helay dalag wanaagsan oo digir ah.

12

Kombe wiilashiisu waxay cuneen inta badan digirtii ka baxday dhulka Juma.

13

Wiilashii waxay yiraahdeen, "Waydii aabbahayo ha bixiyo digirtaada."

14

Juma wuxuu yiri "Anigu ma rabo lacagtiina. Waxaan rabaa digirtayda."

15

Garsoorihii wuxuu ku yiri Juma, "Wiilasha kale jeex. kana qaado digirtaada."

16

Juma waa diiday inuu dhagaysto. kombe ayaa ooyay, "udhaaf odayaashu ha goaamiyeene."

17

Odayaashii waxay u sheegeen kumbe "Waxaad dishay dameerkii, waad gubtay muddulkiisii."

18

Waxay ku yiraahdeen Juma, "In la dilo Kombe wiilashiisa waa khalad sidoo kale."

19

Kombe wuxuu siiyay Juma kala bar hantidiisa.

Waxay ku noolaadeen Farxad.

20
You are free to download, copy, translate or adapt this story and use the illustrations as long as you attribute in the following way:
Talo qaldan.
Author - Magabi Eynew Gessesse, Elizabeth Laird
Translation - Osman Egal
Illustration - Brian Wambi
Language - Somali
Level - Read aloud