Aadida Magaalada
Lesley Koyi
Brian Wambi

Boostaajada baska ee magaaladayda dad ayaa ka buuxay.

1

Kaaliyaha baska ayaa qayliyay, "Magaalada ayaan tegaynaa! Hadda ayaan dhaqaaqeynaa!"

2

Dadka ayaa is-riixayay si ay baska u fuulaan.

3

Dumarkii ciyaalka haystay ayaa fadhiistay.

Safarku wuxuu ahaa mid dheer.

4

Waxaan fadhiistay dhanka dariishada, nin agtiis.

5

Waxaan is iri, "Magaalada weyn ayaan tegayaa! Gurigayga waan u xiisi doonaa."

6

Waxaa jiray dad badan oo wadooyinka ku iibinayay alaabtooda.

7

Rakaabka qaarkood waxay iibsadeen alaabo.

Anigu lacag uma haynin inaan wax iibsado.

8

Si kedis ah, darawalkii ayaa yeeriyay hoonka.

Waqtigii bixitaanka ayaa la gaaray.

9

Dadkii wadooyinka ku iibinayay alaabta ayaa is riixay si ay uga baxaan baska.

10

Goormee ayaan laabanayaa? Anigaa is weydiiyay.

11

Baska gudihiisa kuleel ayuu ahaa.

Indhaha ayan isku qabtay.

12

Waxaan ka fikiray hooyaday iyo walaalkay guriga.

13

Si tartiib ah ayaan u seexday.

14

Saacado badan ka dib ayaan soo toosay.

Dadka intoodii badneyd way baxeen.

15

Waqtigii la raadin lahaa guriga adeerkey ayaa la gaaray.

16
You are free to download, copy, translate or adapt this story and use the illustrations as long as you attribute in the following way:
Aadida Magaalada
Author - Lesley Koyi
Translation - Ibrahim Hussein
Illustration - Brian Wambi
Language - Somali
Level - Longer paragraphs