Sida aan suuqa uga lumay
Ursula Nafula

Tuuladayda waxaa jooga ari.

Wayna ka fogtahay magaalooyinka waaweyn.

1

Hooyo ayaa tiri, "Elly, waxaan kuu haynaa hadiyad loogu talagalay sannad-guuradii lixaad ee maalinta dhalashadaada."

2

Hooyo, habaryar iyo anigaba waxaan sugaynay baska.

3

Waxaan ku fadhiistay hoyo dhabteeda.

Waana hurday intaan sii soconay oo dhan.

4

Waxaan gaarnay suuqii.

Waxaan arkay diyaarad helicopter buluug ah oo qurux badan.

5

Mid ka mid ah cooshadaha, waxay hayeen miro.

Waxaan waydiiyay hooyo, "Kuwani waa kuwee?"

6

"Kuwani waa tufaax," ayay hooyo tiri.

Waan baryay, "Fadlan, hal xabo ii gad."

7

Waan ilaaway gacanta hooyaday.

Waxaan ka fikiraye tufaaxayga oo kaliya.

8

Markan bogay cunitankii tufaaxa, kaligay ayaan ahaa.

Waxaan bilaabay in aan ooyo.

9

In yar ka dib, haweenay ayaa gacanta iga qabatay, waxayna igeysay meel ay carruur kale joogeen.

10

Waxaan u maleeyay in ciyaalka suuqa lagu gado.

Xoog ayaan u sii ooyay.

11

Nin ayaa waydiiya, "Aaway Elly?" waan iska qariyay.

12

Codkii hooyaday ee aan aqaanay baan iigu yeeray, "Elly!" aad ayaan u farxay.

13

Habaryartay ayaa soo saartay helicopter quruxbadan.

Waxayna tiri, "Adigaa leh."

14
You are free to download, copy, translate or adapt this story and use the illustrations as long as you attribute in the following way:
Sida aan suuqa uga lumay
Author - Ursula Nafula
Translation - Ibrahim Hussein
Illustration - , Catherine Groenewald
Language - Somali
Level - Longer paragraphs