Abe iyo wiilkiisa
Frista Nattabira
Wiehan de Jager

Waxaa jiray nin la oran jiray Zoba.

Zoba wuxuu ahaa aabe.

1

Azibo wuxuu ahaa wiilka Zoba.

2

Maalin maalmaha ka mid ah Zoba iyo Azibo ayaa socod u baxay.

3

Waxay arkeen shandad aad u qurux badan oo jidka dhiniciisa taal.

Way buuxday.

4

"Qaad shandada, waxaan u qaadaneynaa guriga," waxaa yiri Zoba.

5

Wiilkii wuu soo qaaday shandaddii, wuxuuna saaray madaxiisa.

6

Inta ay guriga u sii socdeen, shandadii waxaa kasoo baxay mas.

Wuxuu ku dhacay cagaha Azibo!

7

Aabbaha iyo wiilkiisii labaduba aad bay u baqeen.

Shandaddii bay tuureen, si degdeg ahna u carareen.

8
You are free to download, copy, translate or adapt this story and use the illustrations as long as you attribute in the following way:
Abe iyo wiilkiisa
Author - Frista Nattabira
Translation - Ibrahim Hussein
Illustration - Wiehan de Jager
Language - Somali
Level - First sentences