Booqashadaydii aan ku tagay tuuladaydii
Abubakar Katun Ahmad

"Zo, Musa!" hooyadii ayaa u dhawaaqday. "Waa waqtigii la aadi lahaa tuulada!" Waan booday wadnahayga wuu igaraacay, maanta ,waxaan booqan doonaa ayeeyo tuuladeeda markii ugu horreysay.

Waxaan xirxirnay buskut iyo dhar qurxoon hadiyad ahaan. Baskii wuu gariirayey isagoo hoos ugu socda waddo boor ah.

1

Markaan aan nimid, Habaryar Asabe ayaa nagu soo orodday si ay hab noosiiso. "Nna kwana!" way u riyaaqday. Tuuladii way sawaxantay ayadoo qosolna ku jiro.

Carruurtii waxay cayrsadeen digaag kadibna qiiq ayaa ka soo daba baxay xagga mudulka dhoobada. Ayeeyo ayaa isalaantay salaan dabacsan. "Waad kortay dheeratay libaax- yare."

2

Subixii xigay, ina adeertay Laraba waxay iidhiibtay baaldi. "Kaalay! Aynu wabiga biyo ka soo dhaansanee."

Waxaan socod ku dhaafnay moxogga beertiisa. Wabigiina wuxuu u dhalaalayay sida dheemanka. Laraba waxay i bartay sida biyaha loo dhaansado ceelka ayadoon la daadinaynin.

3

Suuqa dhexdiisa, Habaryar waxay ku gadaysay cambe iyo dhar midaba leh. Waxaan goostay (qaniinay) danwake, (kubado lakariyay oo hadhuudh ah oo basbaas leh) waxaana garaacay durbaan sawaxan leh.

Nin baa iibinayay farshaxan alwaax ah, sidoo kale ayeeydayna waxay ii keentay qoolley yar si dhiiragalin ah wayna ii iljabisay.

4

Habaynkaas dadka tuulada waxay ku soo uruuray agagaarka dab holcaya. Ayeeyo waxay sheegtay qisadii Gizo-caarada. Gizogizo wuxuu khiyaaneeyey maskii si ay xarig u unoqdo!" Ayay qosol ku tiri.

Xidigagaha sare ayaa kor ka iftiimayay, aniguna waxaan male-awaalay Gizo oo shabaggiisa ku tolaya cirka.

5

Maalintii ugu dambeysay ee booqashadayada, durbaanadu ayaa dhawaaqayay! Tuuladu waxay u dabaaldegaysay xafladda goosashada, ciyaartow xiran dhar Atanfa ah oo dhalaalaya oo sida duufaanta u wareegaya.

Ayeeyo waxay calal ku xirtay dhexdayda, waxaana ciyaaray ilaa cagahaygu ay i xanuunneen, "Hadda waxed tahay reer tuulo dhaba," labara ayaa qososhay.

6

Waqtigii bixitaan ka ayaa lagaaray. Ayeeyaday waxay gacantayda galisay jijin la tolay, "Xusuuso asalkaaga, Musa," yay si hoose u tiri.

Waxaan hab siiyay, anigoo dareemaya urka qiiqa ee dharkeeda. Markuu basku dhaqaaqay, waxaan gacanta u haadiynayay ilaa tuuladii ay noqotay dhibic yar oo fog.

7

Markaan guriga ku laabtay, waxaan sawiray sawirka tuulada: wabiga, durbaanka, iyo dhoollacadayntii ayeeyo.

Hooyo waxay sawirkayga gelisay jaldi: "Tuulada marwalba way kula jirtaa," Ayay tiri. Waxaan seexday anigoo ku riyoonaya rahyaal, iftiin dab ah, iyo Gezogizo khiyaanadiisa.

8
You are free to download, copy, translate or adapt this story and use the illustrations as long as you attribute in the following way:
Booqashadaydii aan ku tagay tuuladaydii
Author - Abubakar Katun Ahmad
Translation - Osman Egal
Illustration -
Language - Somali
Level - Read aloud