

Had iyo jeer waxay ahayd riyada Atta's in uu bas ku safro maalin.
Hal maalin Atta's abbihiis ayaa u sheegay in ay bas ugu safri doonaan Kumasi.
Atta aad buu u farxay markuu maqlay warkaas.
Maalintii socdaalkooda, Atta Iyo aabihii waxay aadeen boosaajada basaska.
Aabihii baa labadoodaba tikidho u soo iibiyay. Waxayna sugeen markooda si ay u fuulaan baska.
Waxaa lagaaray markii baska la fuuli lahaa.
Kaaliyaha darawalka ayaa hubiyay tigidhadooda ka hor inta uusan u oggolaan inay fuulaan.
Markuu basku buuxsamay, ayuu darawalkii fariistay kursigiisii oo dhaqaaqay.
Intii ay jidka ku sii jireen, waxay soo mareen magaalooyin ay ka mid yihiin Suhum, Nsawam, Anyinam, iyo Nkawkaw.
Anyinam ayuu darawalkii ku joojiyay baska.
Rakaabkii way ka degeen waxayna isticmaaleen musqusha.
Nkawakaw rakaabku waxay ka soo iibsadeen ganacsatada xoogaa rooti.
Baskii ayaa ugu danbayn yimid Kuwasi. dhammaan rakaabkiina waa ka dageen.
Waxay Atta u ahayd maalin xiisa leh, sababtoo ah, uğur danbeyntii, riyadiisii ayaa u rumowday.

