

Nin beeraley ah ayaa lahaa dibi gaboobay.
Wuxuu kaloo lahaa dameer.
Dibiga iyo dameerku saxiibo bay ahaayeen.
Fiidkii ayaa dibigii ku yiri dameerkii, "Maanta aad baan u daalan ahay."
Dibigii wuxuu ku yiri dameerkii, "Ma nasan maanta."
Dameerkii baa ku jawaabey, "Annigaa kaa shaqo badnaa."
Maalintii labaad, dibigii baa yiri, "Maanta maalin xun bay ahayd."
Dameer baa yiri, "Markaa beeralaydu yimaado, wax tiraa, 'Moo!' Wuxuu ku ogalaan doonaa inaad nasato."
Subaxii danbe, dibigii baa qayliyey, "Moo!"
Beeralaydii wuxuu dibigii u ogolaaday inuu nasto.
Beeralaydii wuxuu kaxeeyey dameerkii si uu u soo xagaafo dhulka.
Dameerkii xoog buu maalintaas oo dhan u shaqeeyey.
Aad buu u daalanaa markuu guriga ku soo laabtay.
"Beeralaydu wuxuu sheegay inuu ku gowracaayo si u u hilibkaaga u cuno."
Dibigii baa yiri, "Berri waan shaqayn doonaa. Hadda waan fiican ahay."

