Dameer iyo Dibi
Melese Getahun Wolde

Nin beeraley ah ayaa lahaa dibi gaboobay.

1

Wuxuu kaloo lahaa dameer.

Dibiga iyo dameerku saxiibo bay ahaayeen.

2

Fiidkii ayaa dibigii ku yiri dameerkii, "Maanta aad baan u daalan ahay."

3

Dibigii wuxuu ku yiri dameerkii, "Ma nasan maanta."

4

Dameerkii baa ku jawaabey, "Annigaa kaa shaqo badnaa."

5

Maalintii labaad, dibigii baa yiri, "Maanta maalin xun bay ahayd."

6

Dameer baa yiri, "Markaa  beeralaydu yimaado, wax tiraa, 'Moo!'  Wuxuu ku ogalaan doonaa inaad nasato."

7

Subaxii danbe, dibigii baa qayliyey, "Moo!"

Beeralaydii wuxuu dibigii u ogolaaday inuu  nasto.

8

Beeralaydii wuxuu kaxeeyey dameerkii si uu u soo  xagaafo dhulka.

9

Dameerkii xoog buu maalintaas oo dhan u shaqeeyey.

Aad buu u daalanaa markuu guriga ku soo laabtay.

10

"Beeralaydu wuxuu sheegay inuu ku gowracaayo si u u hilibkaaga u cuno."

11

Dibigii baa yiri, "Berri waan shaqayn doonaa. Hadda waan fiican ahay."

12
You are free to download, copy, translate or adapt this story and use the illustrations as long as you attribute in the following way:
Dameer iyo Dibi
Author - Melese Getahun Wolde, Elizabeth Laird
Translation - Abdullahi Mohamed and Ubah Ali
Illustration - , Salim Kasamba
Language - Somali
Level - First sentences