Dareenadu way yimaadaan wayna tagaan.
Mimi Werna
Joe Werna

Ada way qoslaysaa sababtoo ah waxay maqashay sheeko qosol leh.
Way dhoola caddaynaysaa.
Maxay Ada dareemaysaa?

1

Gisa wuxuu daremayaa xanaaq.
Wajigiisa waxaa ka muuqda caro.
Muxuu u xanaaqsanyahay?

2

Yuadoo way ka baqaysaa mugdiga.
Qof walba wuxuu dareema cabsi mararka qaar.
Laakiin Yuadoo way weydiisan kartaa caawimaad.

3

Chidubem wuu ka welwelsan yahay shaqadiisa dugsiga.
Wuu u sheegi karaa macallinkiisa.
Wuu weydiisan karaa caawimaad.

4

Lushan wuu ciyaarayaa!
Mararka qaar inaad noqoto nacas.

5

Eruro way murugaysan tahay.
Waa caadi in la ooyo.
Dareenku way yimaadaan wayna tagaan.

6

Ayator farxad ayad ka buuxdo.
Wuu faraxsan yahay.
Dareenadu way yimaadaan wayna tagaan.

7

Hadiza way caajisantahay.
Waxay u baahan tahay inay hesho wax ay qabato.

8

Ayo wuu xanaaqsan yahay.
Wuu niyad-jabsan yahay.
Xanaaqu waa dareen adag.

9

Labake way faraxsan tahay.
Waa maxay sababta farxaddeeda?
Hooyo waxay u sameeysay cuntadeeda ay ugu jeceshahay.

10

Zege wuxuu dareemay hurdo.
Aad buu u daalana.
Laakiin sug, 'hurdo' ma dareen baa?" ayay waydiisay Efe.

11

Efe wuu wareersan yahay!
Ma ka jawaabi kartaa su'aashiisa?

12

Tega waxa uu dareemayaa yaab iyo naxdin.
Wuxuu maqlay xan.
Ma run baa?

13

Yebo waa jiran tahay.
Waxay dareemeysaa murugo.
Waxay u baahan tahay daawo iyo nasasho si ay u dareento fiicnaan.

14

Sekyen waxay dareemaysaa qanacsanaan.
Waxay dhamaysay shaqooyinkeedii guriga.
Hadda way ciyaari kartaa.

15

Vandefan ma haysto hawlaha guriga.
Wuxuu muujinayaa laba farood kor ugu taagay Sekyen.
Shaqo fiican, hadda aan ciyaarno!' ayuu yiri.

16
You are free to download, copy, translate or adapt this story and use the illustrations as long as you attribute in the following way:
Dareenadu way yimaadaan wayna tagaan.
Author - Mimi Werna
Translation - Fosiyo Mohamud
Illustration - Joe Werna
Language - Somali
Level - First sentences