

Waagi hore, libaaxa ayaa ahaa kan ugu xooga badan kana cabsadaan duur joogta oo dhan. Wuxuu qabtaa ugaadha wuuna cuna. Laakiin hal subax, intuu quraac raadinayay, wuxuu ku dhacay dabin ugaadhsiga.
Libaaxii waxaa haleeshay murug aad u xanuun badan wuxuuna isku dayay inuu ka baxo dabinka. Mise dabinku wu ku si xirmaa si aad iyo aad u badan lugtiisa mar kasta oo uu jiito. Ugu dambeyntiina wuu quustay.
Maalmo badan ayu libaaxi sida ku si nagaaday isagoo qorraxdu aad u gubayso. Wu gaajooday oo wu oomay mana jirin cid isaga badbaadisa. Wuxuu noqday daciif. Libaaxii ayaay ka lumtay rajadii markii u wayay cid badbadisa. Wuxu ku quustay in u gaajoo iyo harraad ugu dhinto dabinkaan.
Hal subax, libaaxu wuxuu maqlay dhawaaq ka imanaya duurka u dhow. Wuu dhagaystay, madaxana kor u qaaday. Wuxuu arkay Dofaar oo la socda xaaskiisa iyo carruurtiisa, oo shekaynaya oo qoslaya. Qoyska Dofaar waxay ku socdeen wabiga si ay biyo uga so cabbaan oo ay ugu so ciyaaraan dhoobada kahor inta aysan qorraxdu aad u kululaanin.
"Dofaar! Fadlan i caawi! Dofaar!" Fadlan iga badbaadi dabinkaan, fadlan Dofaar. "Marnaba ma dhacdo," ayuu yiri Dofaar. "Waxaad tahay xayawaan naxariis daran. Aniga iyo qoyskayga quraac ayaad naga dhigan hadi aan ku sii daayo." Libaaxi wuxuu yidhi "Waxaan ballan qaadayaa inaanan waligey waxan aad sheegtay kugu samayn doonin. Waxaan noqon doonnaa saaxiibka haddii aad i xoraysid."
Dofaar ayaa u naxariistay libaaxi. "Ma jecli inaan arko harraad iyo gaajo inay ku silciyaan." Kolkaasuu dabinkii ka jaray oo libaaxii wuu sii daayay. Dofaar wuxuu badbaadiyey saaxiibkisan cusub.
Libaax wuxuu yidhi "Aad iyo aad baad ugu mahadsan tahay saaxiib badbaadinta naftayda." "Waa inaan tago oo qabto xaga iyo reerkeyga, nabad galyo." Dofaar ayaa yidhi: "Wa si fiican saxiib ee nabad galyo." Wuxuu ku faraxsanaa in libaaxu saaxiibkiis noqday. "Qoyskaygu mar dambe ma ka carari doonaan libaaxa mana ka cabsan doonan," ayuu ku fikiray.
Libaaxii wa dhaqaaqay isagoo dhutiyaya oo dareemaya daciifnimo iyo gaajo daran. Ha se ahatee wuxuu arkay carruurtii Dofaarka oo ku ciyaarayay dhoobada. Libaaxi wuxuu yidhi, maanta waa maalintii iigu nasiibka badnayd.
Libaaxii wuxuu yiri "Waryee Dofaar, saaxiibkeygan cusubow, waxaan ku xannibmay halkan maalmo badan cunto la'aan, mana awoodo inaan ugaarsado.Fadlan, fadlan miyaad i siisid mid ka mid ah carruurtaada quraac aan ka dhigtee? "
Libaaxi wuxuu yidhi "Runtii waan ka xumahay saaxiib," laakiin waan gaajaysnahay. Anigu waan itaal daranahay hadda laakiin waan ka xoog weynahay. Libaaxii afkiisa ayu furay oo tusay ilkihiisi jaallaha ahaa ee xoogga badnaa. "Haddaanad i siinin mid ka mid ah carruurtaada, mid baan qaadan doonaa anigu," ayuu yidhi, isagoo qaylinaya.
Dofaar wuu ogaa inuusan lahayn xawaaraha ama xoogga Libaaxa. Waligiis ma awoodi doono inuu dagaal ku difaaco carruurtiisa. "Waa hagaag," ayuu yiri Dofaar. "Waxaan ku siinayaa mid ka mid ah caruurteyda. Laakiin marka hore waxaan rabaa inaad i tustid sida aad ugu dhacday dabinka. Waxa dhici karta inaan libaax kale ka badbaadiyo dabinkan oo kale."
Libaaxii asago ka fakaraya dhadhanka cajiibka ah ee dofaarka yar ee u cuni doono ayu dib ugu noqday dabinki oo uu cagta saaray si uu u tuso saaxiibkiis sida uu ugu dhacay marki hore.
"Dhiii!" Ayu yiri libaaxi. Dofaarki aya ku adkeyay dabinka lugta libaaxa. "Ahaa! Waan ku helay," ayuu Dofaar yidhi. "Waad sii joogi doontaa goobtan oomka iyo gaajadu taal. Bal eeg haddii ilkahaaga xoogga badan iyo cidiyahaaga afka leh in aay ku caawin karaan."
Orod! Orod! Naftaada badbaadi! Dofaar naagtiisii cod weyn bay ku qaylisay. "Taag dabada marka aad ordayso si aabbahaa ku arko," ayay tidhi. Ilmuhu waxay u ordeen sida ugu dhakhsaha badan ee suuragalka ah duurka dhexdiisa.
"Dofaar fadlan i caawi!" Ayuu baryay libaaxi mar kale isago xanuunsaday qaniinyada ay sababtay daamanka soofaysan ee dabinka ugaadhsiga. "Wax fican baan kuu samayn doonaa haddii aad naftayda badbaadiso." "Marnaba ma dhacdo, beenaale! Weligey mar dambe kuma rumaysan doono," ayuu yiri Dofaar. "Waxaan sidoo kale uga digayaa xayawaannada kale sababta oo ah waxaad tahay qof khayaano badan."
Dofaarki wuxuu arkay carruurtii iyo hooyadood oo isdaba jooga. Oo dabadooda ayay kor u qaadeen si uu isagu u so tilmaam sado. Wuxuu u cararay qoyskiisii iyago so wada badbaaday. Ilaa maantadan la joogo, Dofaar iyo carruurtiisu wali waxay ku ordayaan dabadooda oy kor u qaadan ilaa ay hubiyaan in qof walba uu nabad qabo.

