

Mimi iyo saaxiibadeed waxay subax kasta ku dabaashaan webiga yar.
Waxay jecel yihiin dabaasha biyaha qulqulaya.
Terfa iyo walaalihiis waxay ku ciyaaraan agagaarka webiga marka dugsigu dhammaado.
Waxay jecel yihiin ciyaarta meelaha bannaan.
Markuu diiqu qayliyo, waxaan ognahay in ay tahay xilligee lakacaye.
Diiqu wuxuu toosiyaa Ngutor iyo aabbihiis. Waxay bilaabaan beerashada aroortii hore.
Dooga iyo walaalkiis waxay jecel yihiin inay maqlaan shimbiraha codkooda.
Waxay daawanayaan shimbirha oo buulal ka dhisaya geedaha guduhooda.
Hooyaday waxay fariisataa harka geedka.
Waxay jeceshahay neecawda iyo geedaha sharqartooda.
Walaashayda iga yar waxay jeceshahay daawaashada xiddigaha dhalaalaya.
Waxay ku hareeransanyihiin dayaxa oo ka dhageystaan dayaxa oo u sheegaya sheekooyin.
Marka dayaxu buuxo, awoowgay wuxuu noo sheegaa sheekooyin cabsi leh.
Waxaan jecelnahay inaan ciyaarno ciyaaraha iftiinka ee dayaxa buuxa.
Waxaan jecelnahay dhammaan waxyaalahan ku saabsan dabeecadda.
Adigu maxaad ka jeceshahay dabeecadaha?

