

Waxaa jirtay tuulo u dhoweyd haro ay biyo fadhiyaan.
Waxaa kunooled gabar yar oo lagu magacaabo Sumayo.
Sumayo aabeheed wuxu ahaa kalluumeysi can ah. Wuxuu lahaa doon yar oo kalluumeysi.
Sumayo wey jeclaan jirtay iney aabeheed uraacdo kalluumeysiga.
Sumayo waxay jecleyd iney daawato wiilasha kubbadda cagta ciyaaraya.
"Aan idin la ciyaaro," maalin ayey baridey.
Wiilashii wey ku qos qosleen, "Orodo gabdhaha dhuumaal laciyaar," Ayagoo ku jees jeesaya.
Gabdhihi Sumayo waxey ku dheheen "lugahaadu aad bay udhaadheer yihiin" Sumayo wey ka xumaatay.
Subax kasta, Sumayo kaligeed bey qoraxda laciyaari jirtay.
Qoraxdu saaxibteed bey noqotay.
Maalin maalmaha kamid ah, qoraxdi masoo bixin. Diiquna ma qeylin. Shimbiruhuna ma heesin. Caruurtina dugsi ma aadin. Xitaa aabeheed kallumeysigii ma aadin.
Sumayo wey ka murugootay "Saaxibteey qoraxda, meeh? Maxay manta aad ugu madowdahay?"
Sumayo waxey caruurta kale u sheegtay inay aad uga murugeysantahay, laakinse wey ku qosleen "Ma laga yaaba saaxibta qoraxdu inay dhimatay. Ama ma laga yaaba inay kaa carartay."
Sumayo waxey tiri, "Qoraxdu waa saaxibtey ma dhiman karto."
Sumayo wey xanaaqday gurigii ayey u carartay.
Waxay aad ulaaday kubbadda walaalkeed.
Sumayo ku fekereysa "Waxaan ku ciyaari kubbaddan illaa ay saaxibtey qoraxdu soo laabato.
Kubbaddii ayey kor usaa qaaday weyna la carartay.
Sumayo kubbaddii ayey dhulka dhigatay. Waxey is tiri, "sida wiilashaas oo kale ban uciyaari kara."
Kubbaddi bey si xoog ah u laaday illaa ay circa iyo daruurtaha udhawaatay.
Qofkasta kor buu eegay. Kubbaddina waa la arki waayey.
Meeshi aamusnaan baa lagalay.
Si lama filaan ah, cirkii baa nadiif noqday. Qoraxdii baa soo baxday. Noloshii baa sideedi kusoo noqotay.
Dadkii oo dhan shaqadoodi ayey kusoo laabteen.
Sumayo wey rumeysan weyday iney qoraxdi soo baxday. Nolosheedina ay dib ugu soo labatay.
Caruurti ayey ku leedahay. "saaxibtey, qoraxdu wey ii soo laabatay!"

