

Atabo iyo Akiru waxeey aadeen wabiga si ay biyo uga soo dhaansadaan.
Marki ay guriga usoo laabanayeen waxeey ku nasteen dhagax weeyn.
Atabo waxuu isku dayay inuu dhagaxii ka kaco oo gurigii aado lakin dhagaxii weeynaa ayaa ku dhagay.
Akiru waxuu ucararay guriga si uu hooyadii ugu soo sheego.
Markii ay hooyadii timaaday meeshii dhagaxa, waxa ay aragtay Atabo oo dhagaxii saaid ugu dhagay.
Hooyadii waxey tiri Atabo, "waxaan kuu sameenayaa deer oo ku hareersan dhagaxa, si uu kaaga difaaco xayawaanada duur joogta ah."
Kadib waxeey sameesay deerkii, oo ay usameesay hal albaab oo ay kasoo gali jirtay.
Kadib hooyadii waxeey ku tiri Atabo, "Markaan kuu imaado in aan cunto kuu keeno, waan kuu heesi si aad iridka iga furto." Heestaan aye uqaaday: "lka koku nachirima, Bala ekena, Ke. Ke.i. Ya. Tangarae totokonia kainak ngakon kile."
Hooyadii waxa kale oo ay ku tiri Atabo, "Waligaa cid kale haka furin albaabka." Marwalbo oo ay hoyadii timaado waxeey uqaadi jirtay heestan oo waa uu ka furi jiray albaabka, kadibna Atabo aye cuntada siin jirtay.
Lakin waraabe ayaa udhuuman jiray oo dhageesan jiray markeey Atabo hooyadii timaado.
Waraabihii waxuu isku taxluujiyay inuu barto heesta.
Xayawaanihii kale ayaa waxeey ku dhaheen waraabihii waxaad wabiga kasoo laqdaa taqsi si aad uheesto heestan si fican.
Waraabihii wuxuu soo laqay taqsi waxuuna isku dayay inuu heeso heestii, lakin albaabkii lagama furin.
Waraabihii markale ayuu banaanka taqsi kasoo laqay oo uu isku dayay hadana in uu heeso heestii, lakin albaabkii ma furmin hadana. - Ugu dambeestii waraabihii banaanka fog ayuu taqsi kasoo laqay.
Waraabihii waxuu soo aaday in uu heeso heestii, ugu dambeestii na albaabkii wuu furmay. Waraabihiina Atabo ayuu cunay.
Markii ay hooyadii timaaday meeshii Atabo ku jiray, waa ay uheestay, uheestay oo uheestay lakin waxbo ma furmin.
Hooyadii dab weyn ayee shiday oo waxeey iskugu yeertay xayawaanadi oo dhan. Waxeey tiri, xayawaankii cunay Atabo dabkaan ayuu ku dhacayaa oo uu ku gubanayaa.
Xayawaanadii oo dhan waa eey ka boodeen dabkii, ilaa laga soo gaaro dawaco.
Dawacadii waa eey ka booday dabkii lakin seenta ayee ka gubatay. Dabacadii xanuun ayee la ooysay.
Uga dambeestii waraabihi ayaa lasoo gaaray. Waa uu booday lakin dabki ayuu ku dhax dhacay.
Kadibna xayawaanadii oo dhan hees kale ayee uheeyseen: "Ata kalio, Anikanyamit ikon koku, Achakakin nakim na, Chi. Gi. Gir."

